|
Baladweeyne,(insidesomalia.org)- Ciidamado Itoobiyaan ah oo fara badan, isla markaana wata Gaadiidka dagaalka ayaa saaka isku fidiyay gudaha Magaalada Baladweeyne ee Gobolka Hiiraan.
Goobaha ay Ciidamadani isku fidiyeen isla markaana ay saaka ku waaberiisteen ayaa waxaa ka mid ah labada Buundo ee isku xirta Xaafadaha Magaalada,xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan,Saldhiga Baliiska iyo qaar ka mid ah Wadooyinka waa weeyn ee dhex mara Magaalada Baladweeyne.
Ciidamadani oo si aad ah u qalabeeysan ayaan la ogeeyn sababta ay Magaalada Baldweeyne qeeybeheeda kala duwan ay isugu fidiyeen Saaka Waaberigii oo illaa iyo haatan ay ku sugan yihiin.
Dadka ku dhaqan Magaalada Baladweeyne ee Gobolka Hiiraan ayaa si weeyn u hadal haya Ciidamadani sida xoogan u buux dhaafiyay gudaha Magaalada Baladweyn saameeynta ay ku yeelan karto amaanka Magaalada Maadaama ay dhoor mar oo hore uu dagaal ku dhex maray xoogaga hubeeyan iyo Ciidamada Maamulkii Gobolka Hiiraan
Wararka qaar ayaa tilmaamaya in Ciidamadani Itoobiyaanka ay u imaadeen Magaalada Baldweeyne ay tahay soo dhaweeynta Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed oo lagu wado in saacadaha soo aadan uu soo galo Magaalada Baldweeyn, isla markaana uu shacabka Gobolka Hiiraan uu meel fagaare ah kala hadlo si uu ugu soo Bandhigo soo laabashadiisa.
Imaanshiyaha Daba Geed ayaa ku soo beegmeeysa Xili Barasabka Gobolka Hiiraan ay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay ka qaaday Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed waloow uu weli uu ku adkeeysanayo in uu isagu yahay Gudoomiyaha Sharciga ee Gobolka Hiiraan.
Waxaa degan xaalada Magaalada Baladweeyne ee Gobolka Hiiraan waloow uusan si rasmi aysan u furneey Goobaha Ganacsiga waxaana sidoo kale shaqeeynaya Gaadiidka Bl-ka ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
|